Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim
15-ka May ee lagu asteeyey doorashada waa maalin taariikhi weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo ah markii la aasaasay xornimo doonkii SYL, waa maalin halgan oo ku suntan xornimo doon iyo waddaniyad, taas oo Soomaaliya gaarsiisay xornimo buuxda.
Innagoo tixraacayn sooyaalka maalintaas waxaa waajib ku ah mudane iyo marwo kasta oo ka tirsan Baarlamaankeenna sharafta badan in ay 15-ka May ay muujiyaan Mabaadi’dii wadaniyadda iyo dowlad-jecelka ee lagu aasaasay halgankii waddaniga ahaa ee miro-dhalay ee SYL.
Waddaniyaddu waxay dhashaa midnimo, midnimaduna waxay keentaa dowlad-wanaag, dowlad-wanaagana waxaa aas-aas u ah la dagaallanka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aaad ogsoon tihiin muddada aan xilka hayey waxaan aad iyo aad uga fogaaday musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, waxaan ku dadaalay in aan ilaalinno hantida umadda iyo madaxbannaanida qarankeenna, waxaan ku guulaysannay in aan isbeddel dhab ah ka hirgelinno dalka.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad ogsoon tihiin, isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo waxaa uu ka soo horjeedaa nidaamka isbeddel-doonka fadhiidka ah ee curyaamiyey dalkeenna, kaas oo hadiifkiisu yahay “Qof lagu beddelo qof kale”.
Xildhibaanna sharafta badan
Waxaa xaqiiq ah in dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan in aad kala doorashadiinna ku saleysan afkaarta maamul iyo awood hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyaha lagu aaminayo talada dalka.
Haddaba ii ogalaada in aan fasiraad kooban idin ka siiyo isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo iyo farqiga u dhexeeya isbeddel-doonka fadhiidka ah.
Isbeddel-doonka fadhiidka ah waa,
- Siyaasi bannaysta kutakri-falka hanti ka dhaxeysa Umadda.
- Siyaasi aan ka xishooneyn qabyaaladda iyo kala qeybinta shacabka, taas oo u adeegaysa danihiisa gaarka ah.
- Siyaasi ka horumariya danta shisheeye tan dalkiisa.
Isbeddel-doonka socda waa;
- Siyaasi ka shaqeeya ilaalinta danta guud iyo ammaanada shacabka, lana dagaalamaya musuqmaasuqa.
- Siyaasi mideeya shacabka, kana fog qabyaaladda.
- Siyaasi ka shaqeeya ilaalinta hantida Qaranka.
Sida shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan waxaan 4 Sano ee soo socota, haddii ay Baarlamaanku codkooda i siiyaan, xoogga saari doonaa, sii wadidda dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka iyo qaraarka Cutubka 7-aad ee Golaha Ammaanka oo curyaamiyey dowladnimadeenna, dhammaystirka dayn cafinta, shaqo abuurka, dagaalka ka dhanka ah ururrada argagixisada ah, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, dhammeystirka Dastuurka iyo xoojinta siyaasaddeenna arriimaha dibadda.


4 Comments
qacdbu7@
ReplyDeleteCabduqaadir
ReplyDeleteCabdu qaadir
ReplyDelete