DEG DEG: xildhibaanad Puntland kasoo baxday ayaa ka soo jawaabtay codsiga shacabka ee ahaa in loo hiiliyo dareenka shacab
Xildhibaan Sareedo Jayte"waa balan inaan xoogayga isugu geeyo inaan idiinku adeego siduu kursigan kusoo baxay si ka duwan taas oo cadaalaad hufnaan iyo run sheeg ah
Waxaan idinka balan qaadayaa inaad ogaan doontaan meesha aan u codeeyay, go’aankaygu ma noqon doono mid mugdi ah, ma noqon doono masuul lla shaki galiyo jihada uu qaatay ama la xanto, ma noqon doono qof filirkiisa , ra’yigiisa iyo waxa uu rumaysanyahay ka xishooda inuu idin la wadaago.
Kursiga aan ku fadhiyo kusoo noqoshadiisu muhiim ma ahan ee in lagu shaqeeyo baa muhiim ah kursigaan idinkaa iska leh waana balan inaan xoogayga isugu geeyo inaan idiinku adeego siduu kursigan kusoo baxay si ka duwan taas oo cadaalaad hufnaan iyo run sheeg ah.
Kursigaani waa dheeman dhiiri kasoo baxay wuxuu u shaqayin doona sharciga, wuxuu u adeegi doonna ummada tabaalaysan oo aan gaari karin meesha go’aanka lagu qaadanayo,


2 Comments
Please walaal Farmaajo doorta
ReplyDeleteIlahay ha ku waafajiyo sida saxda ah oo khayrku ku jiro iagaa oge, lkn dareenka shacabku waa mdxwaynaha xilka haya Mahadsand
ReplyDelete