Hamse Abdi Barre waxa uu ka baxay dugsiga sare ee Mujamac Umul-quraa ee degmada Boondheere, dabayaaqadii sagaashamaadkii. Waxbarashada heerka jaamacadeed wuxuu kusoo qaatay dalka Yemen, halka uu Masterka ka sameeyay jaamacada islaamiga ee Malaysia.
Markuu dalka kusoo noqday wuxuu qeyb ka ahaa dedaaladii soo nooleyntii waxbarashada dalka; isagoo kasoo shaqeeyey Jaamacadda Muqdisho, kana noqday ku xigeen xafiiska diiwanka Jaamacadda, isla waqtiyadaas wuxuu sidoo kale ahaa xoghayaha guud ee dallada Waxbarashada (FPENS).
Xamse wuxuu ka mid ahaa aas aasayaashii jaamacada Kismaanyo iyo maamulkeeda, wuxuu so noqday cilmi baare isagoo soo kasoo mid noqday Maamul ka sare ee xaruunta cilmi baarista Alshaahid, xafiiska Muqdisho, wuxuuna halkaas kasoo galay siyaasadda isagoo uga soo wareegay Xisbigii PDP ee doorashada dalka ku guuleystay 2012, wuxuuna ahaa xog-hayihii guud ee xisbiga.
Dowladdii madaxweyne HSM ee 2012 ilaa 2016 dalka ka talineysay Xamse wuxuu meelo kala duwan kasoo noqday la taliye sida wasaaradda Dastuurka iyo gobolka Banaadir, wuxuu 2016 kii ku guul darreystay kursiga xildhibaanimo oo uu isku dayey, kaas oo uu ku guuleystay Dec 2021, isagoo markaas ka horna soo noqday Gudoomiyihii guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Jubaland.
Wixii intaas ka dambeeyey Xamse wuxuu ka mid ahaa kaadirkii dhexda u xirtay sidii markale dib loogu dooran lahaa madaxweyne Xasan Sheikh, taas oo ilaahey suurtagaliyey, isagana caawa u ka dhigtay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Guusha Xamse waxaa laga baran karaa natiijada samirka, isku xirnaanta iyo isku dulqaadashada ee kooxnimada siyaasadeed, casharka ugu weyn ee caawa Soomaaliya iyo siyaasiyiinteeduba ay tahay iney bartaanna waa inaan wax lagu darsan qofkasta oo suuqa iyo duruufta aad isku barateen.
Waxaa qoray Maxamed Royal.
0 Comments