Waxaa wax lala tacajabo ah sida ay dadweynuhu isku abaabuleen oo kuwa gudaha dalka jooga kaalin weyn uga qaadanayaan (Dhismaha guriga Madaxweyne Shacabka) halka kuwa dibadda ku nool uu qof waliba tabarucaada ugu soo gudbinayo hadba sidii uu awoodo sida Bank, Xawaalad ama xeelad kale intaba.
Tan soojiidashada badan leh waxay tahay in dadka ugu badan ee tabarucaadka bixinaya ay yihiin qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha Dowladda.
Waxaa iyana cajiib ah in farsamo kasta oo la keenay lagu guuldareysto in lakala fujiyo Qabka Madaxweyne Farmaajo iyo quluubta Shacabka iyo Ciidamada.
Innaga iyo Shacabkeenna oo is wadanna waxaan uga duwanahay saaxiibada kale ee siyaasadda Labo qodob oo kala ah; Inaan leenahay dad leh awood iyo xirfad aan maskaxdeenna ku shiilno kuna curinno fikrado iyo Halabuur wada mirodhal noqda iyo inaan nahay awood iyo cudud Soomaaliyeed oo isku xiran waxna aaminsan, kana kooban Soomaaliweyn, halka ay iyagu ku mashquulaan in ay hadba la carbiyaan sidii ay waqti u galin lahaayeen iska difaacidda halabuurkii aan curinnay.
Gacan Abaarta dadkeena, gacanna Abaalka Farmaajo.
FG: Fadlan dhaqaale ha iskaga dirin Akoon aan halkan ku qorneyn. Mahadsanidiin
0 Comments