Maalin Isniin ah, October 24, 2011 aan ku jiray dad ku weliyay kormeer uu Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee xiligaas Mudane Shariif Shiikh Ahmed ku sameeyay goobo dhowr ah oo Alshabab laga xoreeyay Alshabaab oo ay Dayniile ugu weyneyd.

Maalinka uu Madaxweynuhu booqashada sameynayo habeenkii ka horreeyay waxaa Ciidda Soomaaliya Soo galay Ciidamada dalka Kenya iyaga oo aan ogolaansho ka heysan Dowladda Soomaaliyeed sidoo kale aan tirsaneyn Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha oo aad uga careysan tallaabada ay Kenya qaaday ayna Garbihiisa taaganyihiin saraakiil ay ka midyihiin AUN Jeneral Dhagobadan, Talihii AMISOM iyo Agaasimihiisii Madaxtooyada Abshir Bukhaari ayaa yiri "Waxaan aad uga xumahay wararka soo baxayey ee sheegaya in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen dhulka Soomaaliya, waxay arrintani dareen ku abuurtay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed”.

Dowladii xigtay ee Madaxweyne Shiikh dagaalkii ugu weynaa ee qabsaday saddexdii Sano ee ugu horreeyay wuxuu ahaa Mashruucii Kenya ee Jubaland, waxaa aad loo xasuusan karaa in Sabti, June 01, 2013 Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya Asbuuc ka badan ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo markii ay Ciidanka Kenya u diideen inuu gudaha Magaalada Kismaanyo galaan.

Dowladii xigtay ee Madaxweyne Farmaajo waxay aheyd dowladda kali ah ee si dhab ah ula loolantay Dowladda Kenya lana gashay hardan Diblomaasiyadeed, mid Milatari iyo dhaqaale, waxyaabaha laga faa'iiday waxaa ka mid ahaa in la joojiyay Gabi-ahaanba la maro Wajeer oo aheyd goob maritaankeeda ay dhib weyn ku qabeen dadka Soomaaliyeed, dagaalkii dhaqaale ee lagu go'doomiyay Gobolo Kenya ka mid ah iyo guushii Maxkamada ee Dacwadii Badda. (Dacwada Badda waxaa billaabay dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh)

Tan danbe waxay uga duwaneyd in ay Kenya garab buuxa ka heshay Siyaasiyiintii Mucaaradka ku ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isawasaarihii labaad oo aan aad uga fekerin qorshaha Kenya ee aan marnaba wanaag Soomaaliyeed xiiso u qabin.

12 Sano ka dib oo maanta oo markale xafiiska fadhiyo Madaxweyne Xasan Shiikh maalmo ka horna ay Madaxweynaha Kenya ku heshiiyeen in xiriir wanaagsan sagxadda laga bilaabo waxay Asbuuc ka dib Kenya Aqoonsi dadban siisay Somaliland waxaana laga war sugayaa tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Xasan maadaama uu Madaxweynuhu yahay Ilaaliyaha dastuurka iyo Madaxbanaanida Dal iyo Ummadeed ee Qaranka.

Haddii uu Madaxweynuhu ka dhiidhiyo xadgudubka lagu sameeyay qaranka wuxuu mudan doonaa taageero xoog leh iyo garabistaag Shacbi.

 Haddiise uu Madaxweynuhu ka aamuso in Madaxtooyada Kenya ay si marag-fur leh tallaabadaas Qarannimaddeenna waxyeeleeneysa qaaday waxay noqoneysaa musiibo-Qaran iyo SOOMAALI HUNGOOWDAY DUNIDANA KU HUNGOOWDAY.

🖋W/Q ALI YARE ALI