BAAQA 4-AAD EE KU WAJAHAN JAMAAHIIRTA.
🖍W/Q, ALI YARE ALI
Walaalayaal sidii ballankeennu ahaa waxaan halkan idinkula wadaagayaa farriinteyda idinku ku wajahan oo ku saabsan saddex qodob oo kala ah;
A) Doorashadii dhacday.
B) Go'aankeenna maanta.
C) Mustaqbalka.
Walaalayaal doorashadii dhacday bishii ina dhaaftay ujeedooyinka uu musharaxeenna Madaxweyne uga qayb galay tartanka waxay ahaayeen;
1. Inuu horay ugu sii wado isbadaladii uu soo billaabay si loo xaqjiiyo Yoolasheenna fog-fog ee aan uga gon leenahay xaqiijinta himilooyinka dadkeena.
2. In uu aqbalo natiijada Ka soo baxda doorashada, lana shaqeeyo Madaxweynihii la doorto.
Midda danbe ayaa dhacday oo waxaa la doortay Madaxweyne kale natiijadiina wuxuu u aqbalay si Dimoqoraadiyad leh, waxuuna si dag dag ah ku wareejiyay xilkii, si sharaf lehna uga guuray Madaxtooyada isaga oo lugeeynaya, dadka Soomaaliyeed-na ay uurka ka wada ooynayaan.
Isbaddelkii yimid wuxuu welwel xoog leh ku beeray Shacabka, Shaqaalaha Dowladda, Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, dhanka kale waxay farxad gelisay Shisheeyaha iyo intii magaca dalkeenna ku qaraabata.
Waxaa iyana jirta in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo iyana naga fikir duwanaa oo doonayay inaan xafiiska banneeyno waxayna naga mudanyihiin inaan fikirkooda ku ixtiraamno sidii ay iyaguba shalay u aqbaleen natiijadii 08 February 2017 nooguna ixtiraameen.
Walaalayaal, Jamaahiirta sharafta leh marka koowaad aan ku qanacno qadarta Alle iyo sawirka wanaagsan iyo qori isu dhiibka dalkeenu uu caanka ku noqday taas oo aan kaga sumcad badannahay dalal naga waawayn inagana dhaqaale badan waana inaan dhammaanteen ku laab qabawsano sawirka quruxda badan ee dhayaya boogihii foosha xumaa oo ay dalkeenna ka gudbin jireen Safaaradaha shisheeye.
Walaalayaal waxaad hiil la garab joogsateen hoggaamiye daacad ah, wadani ah, qab leh, qabyaalad ka fog, hanti boob ka caagan oo aamin ah, geesi ah kuna dhiiran difaaca danaha qarankiisa, waxaad garab joogteen siyaasiga kaliya ee mawqif cad oo la yaqaano ka taagnaa shisheeyaha iyo farogalintiisa .
Hogaamiyahaas in aanu majaraha qaranka sii heyn waxaa u midoobay xoogag kale duwan oo soomaali iyo ajaaniiba leh oo hadafkoodu ahaa inay soomaaliya ka dhigtaan mashruuc lagu danaysto oo laga hodmo iyada oo muwaadiniintiisu ay daawade ka yihiin; tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa Telefeshinnada caalamka laga daawaday Ajanabigii oo u dabbaaldagaya inuu Madaxweyne Farmaajo xilkii waayay.
Walaalayaal waxaa idin midaysay afkaar ku dhisan wadaniyad, dawlad wanaag iyo difaaca danaha qaranka, ma tihiin dad ka kooban qabiil kaliya iyo deegaano gaar ah, ma tihidin dad ku midaysan helitaanka dano u gaar ah ee waxaad tihiin aqlabiyadii shacabka soomaaliyeed oo meel walba joogta oo ay mideeysay Soomaalinimo.
Mudanayaal iyo marwooyin, dhallinyaro, Jamaahiirta sharafta leh waxaa ku qanacdeen, siyaasadda Hoggaamiyaheenna Madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo, isla hoggaamiyahaas aan ku qanacsanahay wuxuu ku qancay nagana codsaday wakiilna aan uga ahay inaan idinla wadaago inuu aqbalay nadiijadii doorashada iyo inaan si buuxda oo aan hagar laheyn u garabistaagno Madaxweynaha cusub sidii uu ka sheegay habeenkii doorashada kuna celiyay maalinkii Xilwareejinta.
Ugu danbeyn Walaalayaal, Jamaahiirta Sharafta leh, Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiin ku baaqayaa Saddex (3) qodob oo muhiim ah oo aan rabo inaan qalbiyadiinna ku qabsataan, aamintaan, kuna howlgashaan.
1. Ilaaliya midnimadiina kuna mintida oo yeyna dhicin in qabyaalad iyo dano cimri gaaban leh la idinku kala dhantaalo, awoodiina oo midaysan waxay wax u taraysaa mustaqbalka soomaaliya noqota Jamuuriyad awood leh oo dunida ka tilmaaman.
2. U diyaar garooba ku dhawaaqistii Xisbiga weyn ee uu hoggaamin doono hoggaamiyaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo xisbigaas oo ay dhammaan shacabka soomaaliyeed ay ka noqon doonaan mikiilayaal ee aanay noqon doonin taageerayaal lagu meelgaaro.
3. Dawlada cusub siiya fursad ay ugu adeegto dalka sababta oo ah innagu kursiga kulama fadhiisan doonno Madaxwaynaha la doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo hadafkeenu ma ahan xukun iyo kursi ee waa soomaaliya sharafleh, qab leh, Qaran xooggan ah, ammaan ah oo midaysan, inta dawladu kusocoto dariiqa saxda ahna waxaynu dhammaanteen ahaanaynaa garbo iyo awood dhinac taagan hadiise ay ka leexato jidka toosan dhammaanteen waxaan isku dayi doonaa inaan toosino oo aan ilaashano madaxbanaanida dalkeena, daryeelka ciidankeena , ilaalinta hantida muwaaadiniinteena, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dawlada , madax banaanida baarlamaanka IWM.
Walaalayaal, waxaan markale iyo markale idinku adkeynayaa inaan kala roonaano oo aan danta dalkeenna darteed aan garab istaago Madaxweynaha cusub lana shaqeysaan oo aan uga turno waxkasta oo Madaxweynaha ka mashquulin kara masuuliyadda adag ee hortaalla, waxaanna Alle u waydiineynaa inuu si ka duwan sidii hore ugu asturo masuuliyadda Ummada iyo amaanada uu Madaxweynuhu u hayo intaba.
Alaahumma Aamiin.
0 Comments