FARRIINTA KU WAJAHAN JAMAAHIIRTA SOOMAALIYEED KU BAHOOBAY MABDA'A FARMAAJIIZAMKA.
Salaan qiimo iyo kalgacal leh ka dib,
Walaalayaal, Maalinka Axada ah, 15, 05, 2022 Waxay ku beegantahay Dib-udoorashada Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) hadii ay sidaas tahay laga billaabo maanta waxaan si RASMI ah u billaabi doonnaa Ololohii dib-udoorashada Madaxweynaha ee dhanka Bulshada iyo wacyigelinta, taas oo nalugu yaqaanay inaan ku soo bandhigno xifad ka heersareeysa bandhigyada kale ee saaxiibada nala tartamaya.
Sida aad la socotaan waxaan nahay Isbeddeldoonka socda oo weli dhexda kaga jira Isbeddelkii aan ku sameeneynay dhaqankii hore ee siyaasadda Somalia, kaas oo ku dhisnaa Musuqmaasuq, Qabyaalad, xuquuq la'aan, boob, sharciga oo la hareermaro iyo qab la'aan.
Walaalayaal, Muddada aan heysano waa 10 Maalmood, qorshuhu sannadkaan wuxuu yahay hab ka duwan hababkii aan isticmaalnay labdii doorasho hore ee 2012/2016 lana jaanqaadaya marxaladdaha doorashooyinka dunida casriga ah, kana farsamo duwan labadii hab ee aan kala isticmaalnay labadii doorasho ee 2012/2016.
Dhammaan Jamaahiirta dalka iyo dibad meelkasta oo ay joogtaan waxaan idinku ku wargelinayaa in xubin kasta oo idinka mid ah ay hakiso howl-kasta kale oo ay maanta gacanta ku heyso, loona soo gacan banaanaado Ololoha dib-doorashada Madaxweynaha.
Walaalayaal, Sida aad ka warqabtaan Dowlada aan dariska nahay ee Kenya waxay in ka badan 11 xubnood oo ka mid ah dadkeeda khuburada iyo Indheergaradka (Experts and Intellectuals) u howl gelisay sidii ay u curin lahaayeen fikrado iyo Hal-abuuro ay iyaga la tahay sidii Madaxweyne Farmaajo looga guuleeysan lahaa una imaan lahaa Madaxweyne fuliya danaha Qarankooda, innagana dhankeenna waxaa nalooga baahanyahay inaan Shacab iyo Indheergaradba iska kaashano sidii aan ugu babac dhigi laheyn una quusin laheyn Kenya iyo in aanu damacoodu ka hirgelin Teendhada guusha ee Afisooni.
Xafiisyada noo qaabilsan Warfaafinta ayaa goordhow idinla wadaagi doona Halkudhiggeenna cusub, Sawirada iyo Tilmaamaha.
Gunaanud: Wax Allaala wixii la xariira, Xog, Fikrad, Halabuur, Talo, Suugaan, Qormo, Maqal, Muuqaal, Abaabul waxkasta oo arrimaha Olalaha Madaxweynaha quseeya waxaad ku soo diri kartaa Telefanada hoos ku qoran Whatsup-kooda innaga ayaa la sii wadaagi doonna hadba halkii ay quseeyso.
+252612102492
+252613228383
MAHADSANIDIIN.

2 Comments
bulxan media halganka halkiisa ka sii wada, waan idin taageersanahay waana idinla jirnaa mar walba
ReplyDeletebulxan media hadii uu codkiina gaari karo fadlan baarlamaanka hada la doortey iyo madaxda soomaalidaba , waxaad gaarsiisaan intaan doorashada la gaatin in wax laga bedelo 4ta sano ee madaxweeynaha lagana dhigo 5sano maxaa yeelay waa tiro witir ah oo kala dheer , tirada kala dheer ayaana mar walba wanaagsan xitaa diiniyan waadna aragtaan madaxweeyne walba 4 sano wax wuu ku qaban la'yahay, tan labaad waa sharciga reeysalwasaaraha isna ka hor doorashada waa in wax laga bedelaa, oo sida uu madaxweynaha i magacaabayo waa in uu xilkana uga qqadi karaa, maxaa yeelay laba awoodood oo siman aduunka kama shaqeeyso
ReplyDelete