Arrinka la xariira dhismaha Guriga Shacabka ay u dhisayaan Madaxweyne Farmaajo waa socotaa, 


weli waxaa la wadaa sidii fikradaha oo ka kala yimid qeybo aad u badan oo kala duwan loo aruurin lahaa loona marsiin lahaa dhammaan habraacyada loo maro arrimaha nuucaan oo kale ah


sida sharciyadii loo mari lahaa, diiwaangelin Akoonadii Bangiyada iyo Telefanada la isticmaali lahaa, dadkii shaqada wadi lahaa, Qiimeynta,Shirkaddii dhismaha fulin laheyd IWM. 


Fikradaan markeedii hore waxaa curiyay nin dhallinyaro ah oo Askari iyo Arday Jaamacadeed isku ah oo sheegay inuu ka xumaaday in Madaxweynuhu uu Guri kiro ah ka dagay maadaama Xilkii uu hayay aanu hanti ka tabcan amaanada ummaddana uu ilaaliyay.


Arrinkaan wuxuu dhiirogelin u noqonayaa in Madaxdeennu ay ammaanada Shacabka ilaaliso si ay shacabkooda ixtiraam iyo sharfid uga helaan.


Waxaa la soojeediyay in guriga loo bixiyo 

(GURIGA MADAXWEYNAHA SHACABKA)


Adigu maxaad Talo iyo fikrad ku kordhin laheyd?