BAYAANKA LABAAD EE KU WAJAHAN JAMAAHIIRTA KU BAHOOBAY MABDA'A FARMAAJIIZAMKA.
Salaan qiimo iyo kalgacal leh ka dib, Walaalayaal sida aad ka warqabtaan Beri oo Axad ah 15 MAY Waxay ku beegantahay Dib-udoorashada Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waana maalin oo aan si weyn u wada sugeynay muddo dheer.
Waxaan idinkaga Mahadnaqayaa sida ficilka ah ee aad uga jawaabteen Bayaankii aan idiin soo diray Lixdii Bishaan yo natiijada gaartay gurikasta ee Soomaaliya dal iyo dibad, gobol, Degmo, tuulo iyo Miyi ee laga dhaxlay dadaalkii naftihurnimada lahaa ee aad sameyseen.
Walaalayaal rrinkaas Abaan idinkaga hayaa.
Walaalayaal innagu aad baan ugu qanacsannahay qorshaha aan Beri subax la tagi doonno Teendhada Taliska Ciidanka Cirka ee Afisyooni - waxaanan halkaas tagi doonnaa innaga oo Alleheenna talo saarannay, taageero xooggan ka heysanna xubnaha Baarlamaanka ee labada aqal ee dalka dhanka kalana dadkeenuna na garabjoogaan carruur iyo Ciroole intaba.
Waxaad iga mudantihiin inaan idiinkugu sii bishaareeyo inuu habeen danbe qofkasta oo idinka mid ah uu intuu awoodo uu damaashaadi doono Idanka-alle.
Walaalayaal qoraalkan aan maanta idiin soo dirayo wuxuu hambaarsanyahay hal qodob kaas oo ah in si loo gaaro farxad iyo dabbaaldeg aan kor ku soo sheegay ay xirantahay hal qodob oo adiga kugu xiran kaas oo ah; Inaad la xariirto Xildhibaanka ku matala, kan saaxiibkaa ah, waalidka kuu ah, adigu aad waalid u tahay, ninkaaga, xaaskaaga, Xidid tihiin, ganacsi kaala dhexeeyo, isku xarako Islaami ah ka tirsantihiin, isla soo korteen una sheegto inuu u codeeyo Musharaxa ay rabaan Shacabka Soomaaliyeed, Ciidanka Soomaaliyeed, Shaqaalaha iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan kaas oo ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Marka aad Xildhibaankaaga la xariirto Fadlan nala soo wadaag; Magacaaga, magaca Xildhibaanka aad la xariirtay, kursiga Numberkiisa, deegaanka uu matalo iyo caddeyntii kale ee lagu qanci karo adiga oo qoraalka aad noo soo direeyso ku muujinaya Numberka Xildhibaanka aad la xariirtay si aan u xaqiijino dhab-ahaanshaha qoraalka.
Markii aad nala soo wadaagtaan halkaan ayaan Bulshada kula sii wadaagi doonnaa.
Walaalayaal waxaan idiin soojeedinayaa inaad saacadaha gaaban ee noo dhiman aad ku qabataan shaqo lala yaabo oo natiijadeedu noqdo inaan Beri guul ku geeraarno.
Walaalkiin Cali Yare
Xubin idinka tirsan
2 Comments
Guuuuuul 🇸🇴🇸🇴
ReplyDeleteIlahy waxaan ugu baryayaa mudane madaxwayne farmaajo in allah markale noo soo celiyo wax qabkiisii umada soomaliyeed ku diirsatay halkii uu uga sii wado allahuma amiin
ReplyDelete