Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta ay kooxaha arxanlaaweyaasha ahi la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa,


isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka. 


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray falkii argagixiso ee maanta lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa.